Miizaan
Miizaan Podcast, produced by Dawan Media, delivers in-depth analysis of Somalia’s politics, economy, security, and governance, as well as key developments across the Horn of Africa. Each episode features interviews, debates, and expert insights, exploring complex national and regional issues through balanced, evidence-based journalism. Miizaan aims to weigh perspectives fairly, giving voice to leaders, analysts, and citizens shaping Somalia’s democratic and developmental journey. It’s a space for critical thinking, informed dialogue, and independent reporting.
S1 E18 | Miisaan Podcast | El Niño iyo Fatahaadaha: Maxay Soomaaliya Filan Kartaa? | Maxamuud Macallin
Ku soo dhawaada xalqad cusub oo ka tirsan Miisaan Podcast!
Wareysigan, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Maxamuud Macallin, ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, khatarta El Niño, fatahaadaha iyo diyaar-garowga dowladda ee roobabka la filayo.
Barnaamijka waxaa daadihinaya Cali Nuur Salaad iyo Xuseen Cabdi Aadan.
Guddoomiyaha ayaa ka jawaabay su’aalo muhiim ah oo ku saabsan khatarta fatahaadaha, tirada dadka ay saameyn karto, miisaaniyadda gurmadka, gaarsiinta gargaarka, wacyigelinta bulshada, iyo caqabadaha haysta SoDMA.
📌 Qodobada ugu Muhiimsan ee Wareysiga:
El Niño iyo khatarta...
S1 E17 : Xamse muxuu ka yiri xiriirka Xasan Sheekh, doorashada iyo amniga? | Miizaan
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa wareysi gaar ah siiyey Dawan TV, gaar ahaan Miizaan Podcast oo ah barnaamij toddobaadle ah. Wareysiga waxaa la yeeshay Alinuur Salad iyo Husein Abdi Adam.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ka hadlay:
- Xiriirka isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
- Waxqabadka Xukuumadda ee amniga iyo dhaqaalaha.
- Dagaalka Al-Shabaab iyo halka ay ku dambeeyeen ciidamadii Macaawiisleyda.
- Khilaafaadka dowladda federaalka kala dhexeeya Puntland iyo Jubaland.
- Wax ka beddelka dastuurka iyo qorshaha doorashada qof iyo cod.
- Arrimaha Laftagareen, Gedo iyo awoodda xisbiyada siyaasadeed.
...
S1E16:Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan| Walwalka ku saabsan bixinta mushaharka shaqaalaha | Miizaan Podcast
Miizaan Podcast waxaa todobaadkaan marti ku ah Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Egeh, oo ka hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira dhaqaalaha dalka iyo qorshayaasha dowladda.
Wasiir Biixi Imaan Egeh wuxuu kaga hadlay barnaamijka:
Xaaladda guud ee dhaqaalaha Soomaaliya
Saameynta dhaqaalaha hakadka galay ee dowladda
Mushaharka shaqaalaha dowladda iyo kharashaadka mushaharka
Walwalka ku saabsan bixinta mushaharka shaqaalaha
Jawaabta uu ka bixiyay eedeymo la xiriira dhaqaalaha
Awoodda fulinta mashaariicda dowladda
Maalgashiga Dowladda Soomaaliya iyo qorshayaasheeda
Awoodda Bangiga Dhexe ee korjoogteynta hay’adaha maaliyadeed iyo ka hortagga lacag-dhaqidda
Ho...
S1 E15: Wasiirka Dhallinyarada: Tahriibka, Cumar Cartan & Ciyaaraha Soomaaliya | Miizaan Podcast
Kusoo dhawaada qeyb cusub oo ka mid ah Miizaan Podcast, oo martideena Tododbaadkan uu yahay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabduqaadir Cali.
Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo badan oo quseeya dhallinyarada Soomaaliyeed, maamulka Golaha Dhallinyarada Qaranka, qorshaha Wasaaradda, safarrada dhallinyarada loo diro dibadda, tahriibka, iyo doorka dowladda ee horumarinta fursadaha dhallinyarada.
Sidoo kale, wareysiga waxaa lagu falanqeeyay xaaladda ciyaaraha Soomaaliya, caqabadaha horyaallada kubadda cagta, qaabka loo xulo ciyaartoyda Xulka Qaranka, xiriirka hay’adaha ciyaaraha, iyo kaalintii dowladda ee arrintii garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan.
Qodobada ugu waaweyn ee barnaamijka:
Ma...
S1 E15: Muxuu Cumar Cabdirashiid ka yiri? Doorashooyinka, Puntland & Dastuurka | Miizaan
Todobaadkan Miizaan Podcast, waxaa marti ku ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo si qoto dheer uga hadlay arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo mustaqbalka dalka.
Wareysigan, Cumar Cabdirashiid wuxuu kaga hadlay:
Wada-hadallada u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka
Khilaafka dastuurka iyo doorashooyinka
Xaaladda Puntland iyo doorkeeda siyaasadeed
Arrinta Somaliland iyo loollanka istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika
Saameynta quwadaha shisheeye ee gobolka
Iyo su’aasha ugu weyn… Ma yahay musharrax madaxweyne?
Martidu waxay si cad uga jawaabtay su’aalo badan oo bulshada Soomaaliyeed si weyn u hadal ha...
S1 E14: Maxaa Ka Cusub Hirshabelle? Wareysiga Madaxweynaha Hirshabelle Ali Guudlaowe
Kusoo dhawaada xalqad xasaasi ah oo kamid ah Miizaan Podcast, oo si toos ah idin kaaga imaanaysa magaalada Jowhar!
Xalqadaan oo ay daadihinayaan Ali Nur Salad, iyo Xuseen Cabdi Aadan waxaan marti ku ah Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Ali Abdullahi Hussein (Ali Guudlaowe).
Waxaan si qoto dheer u weydiinay su'aalo khuseeya:
Xaaladda amniga ee Jowhar iyo dhibaatada jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar (90km).
Isbaarooyinka iyo amniga wadooyinka Hirshabelle.
Miisaaniyadda, canshuuraha, iyo daah-furnaanta maamulka dhaqaalaha.
Mashaariicda xasilinta ee laga fuliyay deegaanadii laga xoreeyay cadowga.
Muddadii...
S1 E13: Muxuu Cumar Cabdirashiid ka yiri? Doorashooyinka, Puntland & Dastuurka
Todobaadkan Miizaan Podcast, waxaa marti ku ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo si qoto dheer uga hadlay arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo mustaqbalka dalka.
Wareysigan, Cumar Cabdirashiid wuxuu kaga hadlay:
Wada-hadallada u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka
Khilaafka dastuurka iyo doorashooyinka
Xaaladda Puntland iyo doorkeeda siyaasadeed
Arrinta Somaliland iyo loollanka istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika
Saameynta quwadaha shisheeye ee gobolka
Iyo su’aasha ugu weyn… Ma yahay musharrax madaxweyne?
Martidu waxay si cad uga jawaabtay su’aalo badan oo bulshada Soomaaliyeed si weyn u hadal ha...
S1 E12: Mucaaradka Maxay Rabaan? Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sharraxay
Maxaa ka socda siyaasadda Soomaaliya? Maxay mucaaradku uga cabanayaan dowladda? Maxaa sababay xiisaddii Muqdisho ka dhacday?
Qeybtan Miizaan Podcast, waxaan ku wareysaneynaa hoggaamiyaha xisbiga Xisbiga Wadajir, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.Waxaa daadaihinaya Cali Nuur Salaad iyo Xuseen Cabdi Aadan.
Wareysigan, Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu si faahfaahsan uga hadlay:
Xiisaddii Muqdisho iyo sababaha keenay
Muranka doorashooyinka Soomaaliya
Eedaha la xiriira arrinta dhulka
Mudaharaadyada mucaaradka
Hub-ka-dhigista iyo amniga caasimadda
Wadahadallada u socda dowladda iyo mucaaradka
Wuxuu sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku saabsan...
S1 E11: Muxuu Xasan Sheekh ka yiri? Dhulka, Dagaalkii Muqdisho & Dowlad Goboleedyada | Miizaan
Ku soo dhawaada xalqo gaar ah iyo wareysi xiiso leh oo ka tirsan Miisaan Podcast! Wareysigan oo ah kii ugu horreeyey ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, siiyo warbaahinta Soomaaliga intii uu xafiiska joogay muddada afarta sano ah ee termka labaad. waxaa daadaihinaya Cali Nuur Salaad iyo Xuseen Cabdi Aadan.
Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga jawaabay su'aalo xasaasi ah oo ku saabsan xaaladda dalka, siyaasadda, amniga, iyo mustaqbalka Soomaaliya.
---
📌 Qodobada ugu Muhiimsan ee Wareysiga:
Iskodhaca Mucaaradka iyo Amniga Caasimadda:Maxaa ka dhacay Muqdisho todobaadkii la soo dhaa...
Somaaliya Maxay Uga Baahan tahay Wasaarad Koronto| Wareysi Wasiirka Korontada Cabdullaahi Bidhaaan
Xalqadan Miizaan Podcast waxaa marti ku ah Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo sidoo kale ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.
Barnaamijka waxaa daadihinaya Cali Nuur iyo Xuseen Cabdi Aadan, waxaana lagu falanqeynayaa xaaladda korontada iyo biyaha Soomaaliya, doorka dowladda ee sharciyeynta shirkadaha gaarka loo leeyahay, sababta qiimaha korontadu weli u sarreeyo, mashaariicda solar-ka, qorshaha lagu dhimayo qiimaha korontada, iyo suurtagalnimada in Soomaaliya koronto ka soo iibsato Itoobiya.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu ka hadlay mashaariicda biyaha, xaaladda biyaha Muqdisho, ceelasha magaalada laga saarayo, hoos u dhaca biyaha webiyada, iyo qorshaha wasaaradda...
S1 E9: Maxaa Fashiliyay Shirkii Xalane? Wareysi Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Saalax Jaamac
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo todobaadkaan marti ku ah Miizaan Podcast oo Dawan Media ka baxay ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan wadahadalladii ugu dambeeyay ee dhex maray dowladda Federaalka ah iyo Madasha Mustaqbalka ee ka dhacay magaalada Mudisho.
Saalax oo madaxweynaha ku wehliyay kulanka dhanka dowladda Federaalka ayaa faahfaahiyay waxyaabihii laga wada hadlay, qodobadii la isku mari waayay iyo waxyaabaha ay labada dhinac la soo shir tageen.
Sidoo kale wareysiga ayaa lagu falanqeeyay:
1- Qabyo tirka Dastuurka
2- Muranka doorashooyinka.
3- Wa...
S1 E8: Maxaa Fashiliyay Wadahadalladii Dowladda iyo Mucaaradka?
Cabdikariim Xuseen Guuleed ma isku diyaarinayaa xilka Ra’iisul Wasaaraha? Maxaa ka qaldan doodda doorashada? Mucaaradku maxay rabaan, xaggeese wax marayaan?
Qeybtaan Miizaan Podcast, waxaan ku wareysaneynaa Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, oo si faahfaahsan uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, doodda doorashooyinka, aragtida mucaaradka, wadahadallada socda, siyaasadda Galmudug, muranka dhulka dowladda, iyo mustaqbalka xisbiga Haybad Qaran.
Wareysigan wuxuu sidoo kale iftiiminayaa su’aalo muhiim ah oo ay dad badan is weydiinayaan:
Cabdikariim Guuleed ma isku diyaarinayaa xil Ra’iisul Wasaare?
Maxaa ka qaldan hannaanka doorashada?
Mucaaradku maxay rabaan?
Wad...
S1 E7: Sanad Miyaa U Haray Dowladda? Wareysi Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka
Dhaqan galka dastuurka Soomaaliya waa dood xasaasi ah oo meel adag mareysa, habraaca loo maray, xilliga uu dhaqan galaayo iyo su’aalo kale oo badan oo aan jawaab loo heynin ayaa dul hoganayo dastuurka.
Muddo xileedka Dowladda dastuurka cusub waxa uu u bedalay 5 sano halka kii hore ay 4 sano ahayd, dowladda hadda muddadiida sii dhamaaneyso waxa ay aaminsan tahay inay waqtigoodu 5 sano noqday oo sanad kale u sii harsan yahay, balse mucaaradka waxay si duuduub ah u diidan yihiin wax ka bedelka dastuurka lagu sameeyay.
DAstuurka wax laga bedelay waxaa ka farcamay shuruuc doorasho, iyo lagu dh...
S1 E6: Isbaheysiga Haybad Qaran iyo Xaqsoor | Cabdiraxmaan Ceynte | Miizaan Podcast
Xalqada Miizaan Podcast, waxaa lagu falanqeynayaa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan doorka Isbaheysiga Haybad Qaran iyo Xaqsoor, aragtida mucaaradka, doodda ku saabsan doorashada Qof iyo Cod, iyo su’aalaha ka taagan mustaqbalka doorashooyinka madaxtinimo ee Soomaaliya.
Martida barnaamijka waa Cabdiraxmaan Ceynte, Guddoomiyaha Isbaheysiga Xaqsoor & Haybad Qaran, oo si faahfaahsan uga hadlaaya
✔️ Sababaha gaarka ah ee Xaqsoor uga baxday hannaanka Qof iyo Cod
✔️ Sida isbaheysiga Haybad Qaran iyo Xaqsoor u dhashay
✔️ Waxa run ahaantii ka dhacay kulanka Turkiga ee mucaaradka Soomaaliya
✔️ Cadaadiska siyaasadeed ee mucaaradku saarayo Villa Somalia iyo HSM
✔️ Khariidadda cusub ee doorashooyinka mada...
S1 E5: 5 mise 4? Immisa sano ayaa ardayga u fiican inuu jaamacad dhigto?
Xalqadaan Miizaan Podcast waxaan ku lafaguraynaa mustaqbalka iyo xaaladda waxbarashada Soomaaliya. Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqadir, ayaa bixiyey wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu kaga hadlay manhajka, miisaaniyadda iyo caqabadaha hortaagan bahda waxbarashada.
Qodobada ugu waaweyn ee wareysiga:
Tayada Manhajka: Sidee loogu guulaystay diyaarinta manhaj mideysan oo dalka oo dhan ka shaqeeya?
Dooda Afka: Ma tahay suurtagal in Af-Soomaaliga uu noqdo luqadda rasmiga ah ee wax lagu barto?
Miisaaniyadda: Halkee ku baxdaa lacagta loogu talagalay horumarinta waxbarashada Soomaaliya?
Caqabadaha Jira: Maxay yihiin dhibaatooyinka u...
S1 E4: Waa maxay warqadda ay Soomaaliya u dirtay 54-ta dal ee Afrika?
Qeybtan gaarka ah ee Miizaan Podcast, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Abdisalaan Abdi Ali Dhaay ayaa si faahfaahsan uga jawabay su'aalo ku saabsan mustaqbalka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo difaaca danaha qaranka. Wuxuu ka hadlayaa dadaallada loogu jiro maalgelinta howlgalka AUSSOM, guulaha laga gaaray diblomaasiyadda muddadii u dambeysay, iyo qorshaha kor loogu qaadayo miisaaniyadda wasaaradda si loo xoojiyo joogitaanka Soomaaliya ee caalamka.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay difaaca madax-bannaanida dalka, gaar ahaan mowqifka dowladda ee ku aaddan faragelinta shisheeye, diidmada saldhigyo laga dhisayo Waqooyiga Soomaaliya (Somaliland), iyo go’aankii laga qaatay heshiisyadii lala galay dowladda Imaaraadka Carabta.
• Maalgelinta Howlgalka AUSSOM: Wasi...
S1 E3: Kamid Noqoshada Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika EAC, Khasaare Mise Faa'ido?
Bariga Afrika maanta waa goob ay isku dhex milayaan siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga, amniga iyo istaraatiijiyadda gobolka. Laba sano kadib markii Soomaaliya ku biirtay East African Community (EAC), waxaa la isweydiinayaa: maxaa la gaaray? maxaa ka dhiman? halkee loo socda?
Xalqaddan Miizaan Podcast, waxaan si qoto dheer ugu falanqeynaynaa heerka isdhexgalka Soomaaliya iyo EAC, faa’iidooyinka iyo caqabadaha jira, iyo sida Soomaaliya uga faa’iideysan karto suuq ka badan 300+ milyan oo qof.
Martida Gaarka ah:
🎙 Cali Cumar (Cali Balcad) – Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, u qaabilsan Ururka Bariga iyo Bulshada Afrika.
Wuxuu si xirfadaysan uga hadla...
S1 E2: Deyn Cafinta Kadib, Soomaaliya Deyn Cusub Ma Qaadatay? Wareysi Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan
Qeybtan gaarka ah ee Miizaan Podcast, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa si faahfaahsan uga jawabay su'aalo ku saabsan mustaqbalka maaliyadda Soomaaliya kadib deyn cafinta. Wuxuu ka hadlayaa sida Soomaaliya ay ku gaartay Deyn Cafinta, shuruucda deynta cusub, iyo doorka hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah sida IMF iyo World Bank ee qaabaynta dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay Nidaamyada dekhli uruurinta, sytem-yada cusub, la dagaallanka musuqa iyo Federaaleynta maaliyadda dalka.
Doorka World Bank iyo IMF ee mashaariicda maaliyadda Soomaaliya
Isbeddellada ku saabsan canshuuraha, soo saarista dakhliga, iyo maaliyadda Federaalka
Caqabadaha iyo guulaha ku...
S1 E1: Maareeyaha NIRA oo Ka Jawaabaya: Lacagta Kaarka Aqoonsiga, Eedaha Musuqa & Qorshaha Mustaqbalka |E3
Ku soo dhowaada Xalqada 3-aad ee Miizaan Podcast oo ay soo saarto Dawan Media. Qeybtan waxaan ku martiqaadnay Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA) si aanu uga hadalno su’aalaha ay bulshada ka qabaan nidaamka aqoonsiga cusub ee Soomaaliya.
Waxaan ka doodnay:
🔹 Lacagta laga qaadayo muwaadiniinta ee Kaarka Aqoonsiga Qaranka
🔹 Eedaha musuq-maasuqa ee ka soo baxay baraha bulshada
🔹 Ilaalinta xogta muwaadiniinta iyo amniga digitalka
🔹 Awoodda iyo madaxbannaanida nidaamka
🔹 Isdhexgalka hay’adaha dowladda iyo adeegyada shacabka
🔹 Qorshaha mustaqbalka ee nidaamka aqoonsiga dalka
Barnaamijkan wuxuu muhiim u yahay qof kasta oo xiiseynaya:
✅ Nidaamka Aqoonsiga Qaranka...