Sahan Podcast

9 Episodes
Subscribe

By: Aadan-Sahan

Kobcinta garaadka, kaabista garashada & gudbinta xogaha mudan ayaynnu bartan ku soo tebinaynaa, waxana daadihinaya Aadan-Sahan. Waxa uu qayb ka yahay mashruuceenna Sahanka ee u kala baxaya YouTube-ka Sahanka Xogaha, Facebook-ga Sahanka & Podcast-kan Sahan Podcast, oo uu dheer yahay boggeenna Facebook ee qormooyinka u gaarka ah ee Aadan-Sahan.

SE02EP05 | ISMALURE | ciyaarista doorka dhibbanaha!
#5
12/10/2022

Waxa bulshadeenna ku dhexbaahsan xanuunno badan oo nafsiyeed oo uu ka mid yahay ciyaarista doorka dhibbanuhu, in uu qofku mar kastaba iska soo qaado ka dhibbanaha ah ee isaga nolosha oo dhammi ay mucaaradka ku tahay, wax kasta oo dhacana cidda dhibbanaha u ahi ay tahay isaga, wax walibana ay ka gadrdaran yihiin, xataa isagu uu naftiisa ka gardaran yahay.

Haddii aad jeceshahay in aad qayb ka noqoto oo aad taageerto Mashruuca Sahan ee ballaadhan, ku soo dhowow, Mahadsanid. 
Paypal link: 
https://paypal.me/aadansahan 
 
Buy me a coffee link: 
https://www.buyme...


SE02EP04 | ISMALURE | Mabda'yo aan qiimi lahayn!
#4
11/26/2022

Ku dhaqanka iyo aaminsanaanta mabda'yo aan qiimi weyn lahayni waxa ay raad xun ku yeelanaysaa sida aad nolosha u arkayso, waxyaabihii macnaha dhabta ah kuu samaynayayna waxa iskaga kaa gudbaya waxyaabo liita oo aan noloshaada wax buuran ku soo kordhinayn.

Haddii aad jeceshahay in aad qayb ka noqoto oo aad taageerto Mashruuca Sahan ee ballaadhan, ku soo dhowow, Mahadsanid. 
Paypal link: 
https://paypal.me/aadansahan 
 
Buy me a coffee link: 
https://www.buymeacoffee.com/aadansahan


004 | Akhriska | muxuu akhrisku dhallinta ugu adag yahay?!
#4
11/18/2022

Cilladaha ugu waaweyn ee sababay in badiba dhallintu ay ka cawdaan fhanka akhriska iyo in ay ku liitaan, ayaynnu bbadnaamijkan Podcast-ka ah ku lafaguraynaa.

Haddii aad jeceshahay in aad qayb ka noqoto oo aad taageerto Mashruuca Sahan ee ballaadhan, ku soo dhowow, Mahadsanid. 
Paypal link: 
https://paypal.me/aadansahan 
 
Buy me a coffee link: 
https://www.buymeacoffee.com/aadansahan


SE02EP03 | ISMALURE | raadinta caannimada iyo isqornimada.
#3
11/04/2022

In aad raadiso in aad caan noqoto ama qof dadka ka sheeggan noqotaa jar ayay kaa tuuraysaa, marla'aragnimada iyo in aad qof cid la mid ahi aanay jirin isu aragtaana sidoo kale, qof kastaana dhan ayuu ku san yahay dhanna wuu ka liitaa, ee ha ka tallaabsan aadamanimadaada.

Haddii aad jeceshahay in aad qayb ka noqoto oo aad taageerto Mashruuca Sahan ee ballaadhan, ku soo dhowow, Mahadsanid. 
Paypal link: 
https://paypal.me/aadansahan 
 
Buy me a coffee link: 
https://www.buymeacoffee.com/aadansahan


SE02EP02 | ISMALURE | Dooro wixii aad daraaddii u halgami lahayd!
#2
10/22/2022

Xallinta dhibaatada ayaa farxadda laga dhaxdaa!
Aasaaska noloshu waa qaneecada!
Dooro wixii aad daraaddii u halgami lahayd!


Haddii aad jeceshahay in aad qayb ka noqoto oo aad taageerto Mashruuca Sahan ee ballaadhan, ku soo dhowow, Mahadsanid. 
Paypal link: 
https://paypal.me/aadansahan 
 
Buy me a coffee link: 
https://www.buymeacoffee.com/aadansahan


SE02EP01 | ISMALURE | Ha isku deyin! | Danaynta saayidka ah!
#1
10/14/2022

Xalqadda koowaad ee taxaneheenna Ismalure sharraxiisa aynnu ka diyaarinaynno oo jimcaale noqonaya waxa aynnu ku sharraxaynaa cutubka koowaad ee buugga Ismalure iyo nuxurka guud ee uu xanbaarsan yahay, ama fahanka xeesha dheer ee laga qaadan karo.

Haddii aad jeceshahay in aad qayb ka noqoto oo aad taageerto Mashruuca Sahan ee ballaadhan, ku soo dhowow, Mahadsanid. 
Paypal link: 
https://paypal.me/aadansahan 
 
Buy me a coffee link: 
https://www.buymeacoffee.com/aadansahan


003 | Cibaado | maxaynnu u fahmi la'nahay macnaha dhabta ah ee cibaadada?!
10/13/2022

waa maxay cibaado?
Qaladfahanka baahsan ee inaga haystaa muxuu yahay?
Cadaab-ka-carar mise -janno-raadis?
Qaabka diinta loo sharraxaa badanaa waxa ay muujinaysaa baqdin iyo quus, halka asalku uu ahaa in ay rajo iyo niyad wanaag beerto.

Haddii aad jeceshahay in aad qayb ka noqoto oo aad taageerto Mashruuca Sahan ee ballaadhan, ku soo dhowow, Mahadsanid. 
Paypal link: 
https://paypal.me/aadansahan 
 
Buy me a coffee link: 
https://www.buymeacoffee.com/aadansahan


002 | Narcissism | Cudurka xun ee ay dhiirrigelintu inagu beertay!
10/07/2022

Waa maxay dhiirrigelintu?
Yaa loogu talagalay?
Goorma ayay soo bilaabantay?
Sidee ayay i noo soo gaadhay?
Raad noocma ah ayay inagu reebtay?
Waa maxay Narcissism?

Haddii aad jeceshahay in aad qayb ka noqoto oo aad taageerto Mashruuca Sahan ee ballaadhan, ku soo dhowow, Mahadsanid.
Paypal link:
https://paypal.me/aadansahan

Buy me a coffee link:
https://www.buymeacoffee.com/aadansahan


001 | Xanuunnada bulsheed ee inagu dhexbaahay | Mashruuca Sahan.
#1
10/03/2022

Xanuunno badan oo bulsheed ayaa inagu dhexbaahay oo aad ummaddeenna u saameeyay, waana mahuraan in la dabaqabto xanuunnadaas oo bulshada laga daweeyaa, ee maxay yihiin xanuunnadaasi? Maxaa sababay? Sidee ayay i noogu dhexfideen? Sidee wax looga qaban karaa? Mashruuca Sahan muxuu yahay?

Haddii aad jeceshahay in aad qayb ka noqoto oo aad taageerto Mashruuca Sahan, soo dhowow. Mhdsnd.
PayPal:
https://paypal.me/aadansahan

Buy me a coffee:
https://www.buymeacoffee.com/aadansahan