Adeeg Wanaag
Public services in Somalia are highly limited due to the weakness of government institutions struggling to recover from destruction caused by conflict. However, even those government services that do exist fail to serve people effectively. Access to public services is a fundamental right for Somali citizens. Join Aweis Ahmed, the director of the SPA Policy Lab, and his guests, who will intensely discuss the public service matters in Somalia in the Adeeg Wanaag podcast.
Xaaladda Caruurta aan Dugsiyada Aadin ee Muqdisho & Sida Lagu Xallin Karo

Adeegga waxbarashada ee dalka, gaar ahaan, midka ka jira magaalada Muqdisho ayaa soo kabanaya. Sidaa oo ay tahay, waxaa la sheegaa tiro aad u badan oo caruurta magaalada ku nool in aysan aadin dugsiyada waxbarashada nidaamiga ah. Dhawaan waxaa la dabaacay daraasad ka hadleysa sababaha dhaliyay arrinkaas iyo sida lagu xallin karo.
Qeybtan 38-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Ahmed iyo Dr. Abdifatah Ismael Tahir oo hormuud u ahaa cilmibaarayaashii ka shaqeeyay daraasadda, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka daraasadda iyo waxyaabihii lagu ogaaday.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somal...
Adeegyada Xalka Waara iyo Horumarinta Reer Miyiga

Colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka jira waxa ay sababeen barakac baahsan, kaas oo saameyn weyn ku yeeshay bulshooyinka reer miyiga ah. Ku dhowaad afar milyan oo qof ayaa barakac ku ah gudaha dalka. Hay’adaha dowaliga ah, sida Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara iyo kuwa aan dowliga aheyn ayaa ku howlan xal-u-hellida dadka barakacayaasha ah.
Qeybtan 37-aad ee Adeeg Wanaag Podacast, Dr. Aweis Ahmed iyo Zahra Abdi Mohamed, oo ah Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara, waxa ay ku falanqeynayaan howlaha la xiriira xal-u-hellida dadk...
Duruufaha Dhaqaale ee Dalk Ka Jira & Sida loo Maareyn karo

Duruufaha dhaqaale ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed guudahaan ay wajahayaan, gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Benaadir ayaa sii xoogeysanaya. Duruufahaas oo nuucyo kala duwan leh, sababo kala duwanna lala xiriirin karo, waxa ay saameyn ku yeesheen bulshada qeybaheeda hoose.
Qeybtan 36-aad ee Adeeg Wanaag Podacast, agaasimaha SPA Policy Lab, Dr. Aweis Ahmed iyo Prof. Yaxye Caamir, waxa ay ku falanqeynayaan duruufahaas dhaqaale, waxa sababaya iyo sida lagu maareyn karo.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Warbaahinta Madaxa Bannaan iyo Adeegyada ay Bulshada u Qabtaan

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dalka waxaa ka hanaqaaday warbaahin madax-bannaan oo noocyo kala duwan leh, taas oo marxalado kala duwan soo martay, isla markaana duruufo adag ku soo shaqeysay. Warbaahinta madaxa-bannaan ayaa waxa ay adeegyo kala duwan u qabataa muwaaddiniinta Soomaaliyeed.
Qeybtan 35-aad ee Adeeg Wanaag podacast, agaasimaha SPA Policy Lab, Aweis Ahmed, iyo Faarax Nuur oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ, waxa ay ku falanqeynayaan adeegyada kala duwan ee warbaahinta madaxa-bannaan u qabato dadweynaha, caqabadaha ku gedaaman iyo mustaqbalka warbaahinta ee sanadaha soo socda.
C...
Barakacayaasha iyo Kaalintooda ku Aaddan in Xal Waara Loo Helo Barakaca

Colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka jira waxa ay sababeen barakac baahsan. Qiyaastii afar milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha dalka. Dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha aan dowliga aheyn ayaa ku howlan xal-u-hellida dadka barakacayaasha ah.
Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan “Sida Xal Waara Loogu Heli Karo Dib-u-dejinta Dadka Barakacayaasha ah” ayadoo la adeegsanayo hababka ay bulshada isku abaabulaan, isugu tashtaan, islamarkaana ay ugu adkeystaan duruufaha kala duwan ee barakacu sababay.
Qeybtan 34-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Agaasimaha SPA Policy Lab, Dr. Aweis Ahmed, iyo Farxiya Maxamuud oo ah ci...
Sababaha Shaqo La’aanta Dhallinyarada iyo Sida Loo Maareyn Karo

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dadweynahooduay dhallinyaro u badan yihiin. Waxaa la sheegaadadweynaha Soomaaliya in ka badan 70 boqolkiiba in ay dhallinyaro yihiin. Dhallinyaradaas waxaa saameyn weynku yeesha shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta.
Qeybtan 33-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, AgaasimahaSPA Policy Lab, Dr. Aweis Ahmed, iyo Marwo Bahjo Shuuriye oo ah Agaasimaha SIMAD iLab, waxa ay kufalanqeynayaan guud ahaan shaqo la’aanta ka jirta dalka, gaar ahaan saameynta ay dhallinyarada ku leedahay iyosida lagula tacaali karo karo.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
·...
Adeegyada Caafimaad ee Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfer)

Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfer) waxaa la aaminsan yahay inuu yahay mid kamid ah isbitaallada ugu casrisan dalka, islamarkaana bixiya adeegyada ugu badan ee caafimaad ee Soomaaliya.
Qeybtan 32-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Ahmed, agaasimaha SPA Policy Lab, iyo Maxamed Xuseen Ashraf, oo ah agaasimaha isbitaalka Erdogan, ayaa ku falanqeynaya adeegyada caafimaad ee uu bixiyo Isbitaalka Difger.
#SPAPodcasts #AdeegWanaagPodcast #AdeegWanaag #SomaliPublicAgenda
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thank...
Waxqabadka Dowladda Hoose ee Degmadda Cadaado & Caqabadaha ku Gedaaman

Degmada Cadaado ee dowlad-goboleedka Galmudug waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee gole deegaan yeesha. Golaha deegaanka iyo maamulka degmadaas oo muddo-xiloodkii loo doortay kala-bar qaatay, maxaa u qabsoomay, caqabadaha heystase maxay yihiin?
Qeybtan 31-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Axmed & Faarax Diiriye Warsame, oo ah guddoomiyaha degmada Cadaado, ayaa ku falanqeynaya howlaha maamul, adeeg bixin iyo isla-xisaabtan ee degmada Cadaado.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listen...
Waa Sidee Adeegga Caafimaadka Hooyada & Dhallaanka ee Isbitaalka Benaadir?

Adeegga caafimaadka ee guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan midka hooyada iyo dhallaanka waxa uu ka mid yahay adeegyada loogu baahida badan yahay dalka. Waxaa la sheegaa Soomaaliya in ay ka mid tahay dalalka ugu horreeya oo ay hooyada iyo dhallaanku u geeriyoodaan daryeel la’aan.
Qeybtan 30-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Axmed iyo Fartuun Shariif Maxamed oo ah Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Benaadir, waxa ay ku falanqeynayaan adeegga caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee Isbitaal Benaadir, kaas oo kaalin weyn ka ciyaara daryeelka hooyada iyo dhallaanka.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcas...
Dib-u-eegista iyo Hagaajinta Adeegga Garsoorka iyo Hay’adaha Cadaaladda

Adeegga garsoorku waxa uu udub-dhexaad u yahay adeegyada kala duwan ee ay dowladuhu bixiyaan. Burburkii dowladii dhexe kadib, hay'adaha garsooku waxay ku jireen marxalad soo kabasho ah.
Qeybtan 29-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Avv. Daahir Maxamed Cali, oo ah qareen, bare jaamacadeed, tababare sharci, sidoo kalana ah Xoghaya guud ee Ururka Qareennada Soomaaliyeed iyo aasaasaha iyo guddoomiyaha Madasha Garyaqaannada Soomaaliyeed, waxa ay ku falanqeynayaan sida dib-u-eegis iyo hagaajin loogu sameyn karo adeegga garsoorka dalka iyo hay’adaha cadaaladda.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the hos...
Teknoolojiyadda Casriga ah iyo Fududeynta Adeegyada Dowladda

Soo ifbaxa kumbiyuutarrada, internet-ka, iyo aaladaha kale ee fududeeya xiriirka bulshada waxa ay sare u qaadeen adeegyada kala duwan oo ay bixiyaan dowladaha. Waxaa loogu magac daray electronic government oo loo soo gaabiyo E-government, oo macanaheedu yahay in adeegyada dowladda la bixiyo iyadoo la adeegsanyo hannaan electronic ah.
Qeybtan 28-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Dr. Yaxye Abukar Axmed oo ah Agaasimaha Xarunta Cilmibaarista iyo Horumarinta ee Jaamicadda SIMAD, sidoo kalena ah khabiir ku takhasusay arrimaha teknoolojiyadda, waxa ay ku falanqeynayaan E-government, heerka isticmaalka E-government ee dowladda, caqabadaha ku gedaaman adeegsiga E-government-ga ee Soomaaliya iyo sida c...
Maareynta Musiibooyinka iyo Kaalinta Haya’daha Dowladda

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka ugu nugul musiibooyinka, iyadoo dalku uu u dhexeeyo abaaro iyo fatahaado iyo musiibooyinka ay sababeen colaadaha joogtada ah. Dardar-gelinta howlaha maareeynta masiibooyinka waxaa dowladda u qaabilsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA).
Qeybtan 27-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Cabdullahi Maxamed Cabdi (Qaran) oo ah Agaasimaha Xarunta Cilimibaarista Musiibooyinka iyo Tababarada ee Hay’adda SoDMA waxa ay ku falanqeynayaan guud ahaan adeegyada ay qabato Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, sida adeegysadaas loo horumarin karo, iyo howlaha u qorsheysan Haya’da in ay mustqablka hirgeliso.
Contact Somali Public Agenda’s A...
Canshuurta Iibka iyo Caqabadaha ku Gedaaman

Dowladda federaalka ayaa dhawaan billowday canshuurta iibka, taas oo ka hirgashay suuqyada magaalada Muqdisho. Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacaday faallo qoto-dheer oo falanqeyneysa canshuurta iibka, shuruucda lagu saleeyay, habka loo qaadayo, iyo sidoo kale caqabadaha ku gedaaman hirgelinta canshuurta iibka.
Qeybtan 26-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Farxiya Maxamuud oo ah cilmibaare katirsan Somali Public Agenda & sidoo kale mid kamid ah qorayaasha warbixinta ayaa ku falanqeynaya nuxurka daraasadda & talooyinka lasoo jeediyay.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us a...
Kaalinta Fanka ee Hogatusaaleynta iyo Wacyigelinta Bulshada

Burburkii ka hor, Soomaaliya waxay laheyd kooxo-faneed kaalin weyn ku lahaa wacyigelinta buslahda. Goobaha ay xoogga saari jireen kooxihii fanka ee ay dowladdu gacanta ku haysay waxaa ka mid ahaa waxbarashada, muruq-maalka, caafimaadka iyo ciyaaraha. 30 sano ka dib waa sidee kaalinta ay haatan kooxaha fanku ku leeyihiin dowladnimada iyo wacyi-dhiska bulshada?
Qeybtan 25-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa lagu falanqeynayaa arrimaha adeegga madadaalada, gaar ahaan heesaha iyo ruwaayadaha, iyo kaalinta ay ku leeyihiin hogatusaaleynta iyo sare-u-qaadista wacayiga bulshada. Waxaa agaasimaha SPA Policy Lab ahna martigaliyaha Adeeg Wanaag Podcast la falanqeynaya Barbaariye Bashiir Cali Xuseen oo ah hoobal q...
Kaalinta Bulshada Rayidka & Warbaahinta ee Isla-xisaabtanka Arrimaha Gargaarka Bani’aadamnimo

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka muddada dheer la daalaa dhacayay dhibaatooyinka bani’aadamnimo. Beesha calaamka ayaa si joogta ah ugu deeqda dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan gargaar bani’aadamnimo. Waxaase aad u yar isla-xisaabtanka guud ee lagu sameeyo hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya howlaha gargaarka bani’aadamnimo. Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan kaalinta ururrada bulshada rayidka ah & warbaahinta ay ku leeyihiin Isla-xisabtaabtanka arrimaha gargaarka bani’aadamnimo.
Qeybtan 24-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa nuxurka daraasadda. Waxaa marti ku ah Ibrahim Jibril oo ah cilimibaare ka tirsan SPA sidoo kalena aha...
Wacyiga Bulshada ee Dawooyinka La Isku Cadeeyo & Khatartooda

Sanadahii dambe waxaa kordhay bulshada qeybo ka mid ah oo is caddeynaya ama midabkooda doorinaya, iyagoo ujeedkoodu yahay in ay qurux dheeraad ah ka helaan. Dadka is caddeeya waxa ay adeegsadaan dawooyin la isku dardaray oo kiimiko ah. Arrintan ayaa noqotay mid bulshada qeybaheeda kala duwan saameyn weyn ku yeelatay.
Qeybtan 23-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa guud ahaan waxyaabaha sababa doorinta midabka qofka iyo dawooyinka ay adeegsadaan dadka is caddeeya. Waxan sidoo kale lagu falanqeynayaa wacyiga bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan khatarta ka dhalan karta adeegsiga daawooyinka la isku cadeeyo iyo talooyin la xiriira d...
Biyo-mareennada iyo Bullaacadaha Muqdisho

Dagaallada sokeeye waxa ay sababeen burbur iyo dayac ku yimid guud ahaan biyo-mareennada, bullaacadaha iyo goobaha biyaha lagu keydiyo ee magaalada Muqdisho. Waxaa ka dhashay in biyaha roobabku ay fadhiistaan wadooyinka, qaarkoodna ay burbur joogta ah u geystaan. Xaaladdan waxa ay dhalisay in bulshada caasimadda ay soo gaarto khasaare naf iyo maal isugu jira, bilicda magaaladana saameyn taban ayay ku yeelatay.
Qeybtan 22-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa sababaha ugu waaweyn ee loo aaneyn karo maareyn la’aanta biyo mareennada iyo bullaacadaha magaalada Muqdisho iyo cilladaha farsamo ee jira oo ay tahay in lagu baraarugo si...
Adeegga Madadaallada & Saameynta Dhaqan-dhaqaale ee Bulshada

Adeegga madadaallada, gaar ahaan musalsallada, waxaa caan ka ahaa gudaha dalka musalsallada qalaad sida kuwa Meksikaanka, Carabta, Hindida, Turkida, Kuuriyaanka iyo qaar kale. Sanadihii dambe waxaa soo badanayay musalsallo ay sameynayaan shirkado maxalli ah, musalsalladaas oo qeyb weyn ka qaatay adeegga madadaallada ee ka jira dalka, islamarkaana ka tarjumaya nolosha dadka Soomaaliyeed.
Qeybtan 21-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa guud ahaan adeegga madadaallada ee ka jira dalka, gaar ahaan musalsallada shirkadaha maxalliga ah ay sameeyaan iyo kaalinta musalsalladan ee sare-u-qaadidda wacayiga iyo dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed. Waxaa marti ku Abshir Rageh oo ah director ama filim sa...
Tayeynta Waxbarashada & Kaalinta Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay

Tan iyo burburkii dalka, waxbarashada aasaasiga ah inteeda badan waxaa gacanta ku hayay hay’ado samafal ah iyo kuwo gaar loo leeyahay, halka kaalinta dowladdu aysan ka marneyn balse ay aad u koobneyd. Tayada waxbarashada weli weydiimo ayaa laga keenay, iyadoo dadka qaar caruurtooda ay dalaka deriska ah u diraan si ay adeeg waxbarasho tayo leh u helaan.
Qeybtan 20-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa ay Aweys Axmed & Mahad Faarax Shaaciye oo ka tirsan bahda waxbrashada asaasiga ah, islamarkaana sanado badan ka soo shaqeeyay waxbarsahada dalka, ku falanqeynayaan guud ahaan adeegga waxbarashada aasaasiga ah ee dalka ka jir...
Wacyiga Bulshada ee Xanuunnada Nafsiga ah & Daweyntooda

Dagaallada sokeeye waxay sababeen burbur xooggan oo ku yimid guud ahaan adeegyada caafimad ee dalka, gaar ahaan adeegyada caafimaad ee la xiriira xanuunnada dhimirka ku dhaca. Daraasaddii ugu dambeysay ee degmooyin kamid ah dalka laga sameeyay waxa ay sheegtay in 77% dadka Soomaaliyeed ay la daaladhacayaan xanuunnada nafsiga ah, kuwaasoo ay sababeen duruufaha khalafsan ee ay sababeen colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah.
Qeybtan 19-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa ay Aweys Axmed & Dr. Axmed Jaamac Shidane oo ah dhakhtar ku takhasusay xanuunada nafsiga ku falanqeynayaan guud ahaan xanuunada maanka ku dhaca, wacyiga bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan xanuunnadan, s...
Saameynta Tartanka Cayaaraha Dowlad-goboleedyada & Gobolka Benaadir

Tartamada cayaaruhu waa mid ka mid ah dhacdooyinka bulshada ee ugu sameynta badan dunida. Adeegga madadaalada oo ay ka helaan dadka waxaa wehliya in ay qeyb weyn ka qaataan is dhexgalka, jiheynta iyo qaabeynta bulshada. Haddaba, tartanka cayaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo dhawaan lasoo gabagabeeyay ayaa wuxuu yeeshay saameyn togan iyo mid taban.
Podcast-gan waxa ay Aweis Axmed iyo Xuseen Maxamed Hadaafow oo weriye arrimaha cayaaraha ah ku falanqeynayaan guud ahaan tartankaasi qabashadiisa, natiijoonkii ka dhashay iyo mustaqbalka tallaabooyinka ay tahay in la qaado si qabashada tartamada iyo habsmi-u-socodkooda sare loogu sii qaado.
Con...
Saameynta Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya

Isbeddelka cimiladda ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dunida guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya. Isbeddelka cimilada waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo bulsho. Si looga hortago ama xal loogu hesho saameynta isbeddelka cimilada, waxaa la sameeyay dadaallo isugu jira shirar sanadle ah, dhaqaale loo qoondeeyay, iyo siyaasado ku aadan arrimahan oo la dejiyay.
Qeybtan 17-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa saameynta isbeddelka cimilada ee Soomaaliya iyo hababka lagu wajahi karo. Waxaa marti ku ah Dr. Cabdullaahi Cilmi Maxamed oo ah khabiir culuumta deegaanka iyo biyaha ah, kana shaqeeya howlaha la xiriira arrimaha deegaanka.
Bixinta Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha

Kadib buburkii dalka ka dhacay sanadkii 1991, waxaa meesha ka baxay nidaamkii kaararka aqoonsiga dadweynaha, kaasoo udub dhexaad u ahaa helidda adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka iyo waraaqaha socdaalka iyo sido kale cashuur bixinta. Hay’adda Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan la dhisay ayaa bilowday bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha.
Podcast-gan, Maareeye ku xigeenka Hay’ada Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Cabdullahi Biixi Xuseen & Aweis Axmed oo ah Agaasimaha SPA Policy Lab & martigeliyaha Adeeg Wanaag Podcast ayaa ku falanqeynaya bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
·...
Dhismaha & waxqabadka golayaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle

Inkastoo dhismaha dowlad-goboleedyada lasoo gababeeyay 2016-ka, dhismaha goleyaasha deegaanka lagama gaarin guulo wax-ku-ool ah. Goleyaasha deegaanada hadda dhisan oo tiro ahaan kooban ayaa la kulma caqabado badan. Sidoo kale waxaa jira caqabado lagala kulmo hannaanka dhismaha goleyaasha degaanada.
Somali Public Agenda ayaa daabacday faallo ku saaban hannaanka dhismaha iyo waxqabadka goleyaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle. Podcast-gan waxa ay Aweys Axmed iyo Farxaan Isxaaq Yuusuf ku falanqeynayaan nuxurka warbixinta.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at podcasts@somali...
Kaalinta Maamulka Gobolka Benaadir ee Tageeridda Barakacayaasha

Gudaha Soomaaliya waxaa ugu barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wacan midka ay heystaan. Tirada ugu badan ee barakacayaashaas oo lagu qiyaasay 1.4 malyan ayaa ku sugan gobolka Benaadir iyo hareerahiisa. Sidoo kale, tiro badan oo barakacayaasha kamid ah ayaa la sheegaa in ay kasoo jeedaan beelaha laga tirada badan yahay, kuwaasoo dhibaatada barakaca ay u dheer tahay dhibaatooyinka bulshada ay kala kulmaan.
Barakacayaasha kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ayaa culeysyo kala kulma helidda a...
Falanqeyn sanad-waxbarasheedka asaasiga ah ee jaamacadaha lagu kordhinayo

Soomaaliya ayaa wajaheysa caqabado joogta ah oo la xiriira tayada waxbarashada sare. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyada oo ka duuleysa caqabadahaas waxa ay dhawaan soo saartay amar ah in laga billaabo sanad-dugsiyeedka 2023/2024 ay ardayda jaamacadaha qaataan sanad dheeraad ah oo aasaaskooda lagu dhisayo. Amarka ayaa soo baxay xilli billaabashada sanad-dugsiyeedka uu dhawaa. Qeybaha bulshada ee amarkan uu khuseeyo ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay.
Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday faallo lagu falanqeeyay amarka Wasaarada Waxbarashada kasoo baxay, walaaca laga muujiyay, iyo saameynta taban iyo midda togan ee uu ku y...
Kaalinta ururrada bulshada rayidka beelaha laga tirda badan yahay ee isku xirka barakacayaasha, haya’daha samafalka iyo dowlada
Gudaha Soomaaliya waxaa ku barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni-darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wanaagsan midka ay heystaan. Tirada ugu badan ee barakacayaashaas ayaa ku sugan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda. Sidoo kale, tiro badan oo barakacayaasha kamid ah ayaa la sheegaa in ay kasoo jeedaan beelaha laga tirada badan yahay, kuwaasoo dhibaatada barakaca ay u dheer tahay dhibaatooyinka bulshada ay kala kulmaan.
Barakacayaasha kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ayaa culeysyo kala kulma helidda adeegyada asaasiga ah oo ay b...
Kaltanka Bajaajyada ee A & B

Magaalda Muqdisho oo kasoo kabaneysa burburkii dagaallada, ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay ka muuqday isbdello dhanka dhismeyaasha waddooyinka, guryaha iyo gaadiidka. Isbedelladaasi waxaa barbar socday culeysyo kala duwan oo isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira.
Hadaba si loo xakmeeyo culeysyada kala duwan ee isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira, maamulka gobolka Benadir ayaa soo saaray go’aan mooto bajaajta magaalda ka shaqeysa loogu qeybiyay labada qayb ee A iyo B. Go’aankaasi inta uu hirgalay waxaa kasoo wareegatay muddo ku dhaw bilood.
Podcast-gan waxaa lagu falanqeynayaa go’aanka maamulka gobolka uu mooto bajaajta magaalda ka shaqeysa...
Adeegga Xajka iyo Kaalinta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

Adeegga Xajka waxa uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan oo ay Wasaarada Awaqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Federaalka u qabato muwaadiniinta Soomaaliyeed. Hase ahaatee, xujeyda Soomaaliyeed ayaa culeysyo kala duwan ka sheegta guud ahaan howlaha adeegga Xajka, qiimaha lagu jaangooyo xajka, iyo adeegyada ay ka heelaan shirkadaha qandaraaska ku qaata adeegga Xajka.
Haddaba iyadoo billaabashada howlaha Xajka ay naga xigto muddo bil ah, ayaa waxaa podcast-gan lagu falanqeynayaa guud ahaan adeegga ay qabato Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, gaar ahaanna arrimaha adeegga Xajka. Waxaa marti ku ah Maxamed Xaaji Ibraahim Cali, oo ah Agaasimaha Wasaaradda A...
U daadejinta canshuurta & adeegyada bulshada dowladaha hoose

Soomaaliya waxa ay qaadatay nidaamka federaalka kadib markii uu guuldareystay hannaankii dowladda dhexe, kaasoo adeegyada bulshada dowladda dhexe ay maamuli jirtay. Nidaamka federaalka, oo looga gol leeyahay in lagu daadejiyo awoodda iyo adeegyada bulshada si loogu dhaweeyo dadweynaha, ayaa waxaa saameeyay nidaamkii dhexe ee dalka ka jiray. Nidaamka Federaalka ayaa waxaa awoodda iyo maamulka adeegga dadwweynaha maamula inta badan dowlad-goboleedayada, halka ay aheyd in dowladaha hoose loo daadejiyo si loo gaaro dadweynaha.
Somali Public Agenda ayaa daabacday daraasad ku saabsan daadejinta canshuuraha iyo adeegyada bulshada dowladaha hoose ee Puntland, Galmudug iyo Benadir, caqabadaha ku geedaaman iyo sida lo...
Helitaanka Warqadaha Aqoonsiga ee Dowladda

Adeegyada ugu muhiimsan oo ay dowladuhu bixiyaan waxaa kamid ah in muwaadiniinta la siiyo dukumintiyada aqoonsiga dowladeed sida baasaboorrada, shahaadooyinka dhalashada, shatiga wadista baabuurta, iyo shahaadooyinka caddeynta dambi la'aanta. Aqoonsiyada dukumintiyada dowladeed ee Muqdisho laga bixiyo ayaa waaa bixiya hay'ado dowladeed iyo waaxyo hoos yimaada wasaaradaha amniga, gaadiidka, iyo sidoo kale dowladda hoose ee Muqdisho.
Dadweynaha ku nool magaalada ayaa culeysyo kala duwan kala kulma helidda waraaqaha aqoonsiga oo ay dowladdu bixiso. Dhibaatooyinkaas waxa ay si gaar ah ugala kulmaan xafiisyada dowladda ee bixiya adeegyadan.
Podcast-gan, Aweys Axmed iyo Maxamed Aadam ayaa ku falanqeynaya faallo a...
Sababa iyo Xalka Culeysyada Isu-socodka Dadka iyo Gaadiidka Muqdisho

Magaalda Muqdisho waxaa sanadihii dambe ka muuqday isbedello dhanka dhismeyaasha waddooyinka, guryaha, gaadiidka, maalgashiga ganacisga, iyo adeegyada kale ee dadweynaha. Hase ahaatee, isbedelladaasi waxaa barbar socday culeysyo kala duwan oo isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira, kuwaasoo ay dadweynaha magaaladu la kulmaan. Dadweynaha magaalada ayaa dhibaato kala kulma in ay goobo isku dhaw oo gudaha magaalada ah isaga kala gudbaan.
Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacday faallo falanqeyneysa caqabadaha ku xeeran isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho iyo saameynta ka dhalan karta.
Podcast-gan waxa Maxamed Aadan, oo ah qoraaga faallada iyo sidoo kale maamulaha do...
Sare-u-kaca Kirada Guryaha Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa aheyd magaalada ugu dadka badan Soomaaliya tan iyo markii magaaleynta xowliga ah uu ka bilowday sanadkii 1960-kii. Dagaalladii kala duwanaa ee tan iyo 1990-kii dhacayay iyo barakacii ka dhashay kadib, dad badan ayaa magaalada kusoo laabtay, oo ay ku jiraan qaar ka yimid dalalka dibadda, kadib markii ay al-Shabaab ka baxeen magaaladd sanadkii 2011.
Kusoo laabashada dadkii hore uga barakacay magaalada iyo kuwa cusub ee kusoo biiray waxaa ka dhashay in qiimaha dhulka iyo kirada guryaha uu sare-u-kac ku yimaado. Dhanka kale, dhaqaalaha dalka oo liita iyo dakhliga soo gala bulshada oo yar awgood, waxaa a...
Shaqaaleysiinta Dhallinyarada: Tayo-yarida Tacliinta Sare Miyaa Ka Qeyb Qaadanayso Shaqo La’aanta Dhallinyarada Muqdisho?

Soomaaliya oo leh mid kamid ah shucuubta ugu da’da yar adduunka ayaa haddana kala bar dhalinyarada ay da’doodu ka yar tahay 30-ka sano ay yihiin kuwo shaqo la’aan ah, kadib marka ay tacliinta sare dhammeystaan. Dhinaca kale, dalka waxa uu kasoo kabanayaa dagaallo sokeeye oo daba dheeraaday oo saameeyay tayada tacliinta sare.
Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay si kumeelgaar ah u dhistay Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare sanadkii 2019 si loo hagaajiyo tayada tacliinta sare. Hase ahaatee, guddigan ayaa weli ah mid aanay shaqadiisu miradhal ahayn marka loo eego heerka tayada tacliinta sare ee dalka ee hoo...
Daadejinta adeegga waxbarashada ee gobolka Benaadir iyo muranka ka taagan

Somaaliya waxa ay qaadatay nidaam federaal ah, kaasoo hirgelintiisu ay si muuqata u socotay tan iyo sanadkii 2013. Hase ahaatee, gobolka Benadir oo aan maqaamkiisa weli la cadeynin ayaa adeegyada dadweynaha waxaa bixinayay wasaarado kala duwan oo heer federaal ah.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka ayaa billowday in ay adeegga waxbarashada ee gobolka Benadir u daadejiso Maamulka Gobolka Banaadir kadib is-afgarad labada dhinac ay ku kala saxiixdeen Muqdisho. Guulo kooban ayaa laga gaaray u daadejinta maareynta waxbarashada ee maamulka gobolka Banaadir. Hase ahaatee, hirgelinta Is-afgaradka ayaanan si habsami leh u socon. Waxaa hareeyay dhibaatooyin in...
Naqsahadeynta xalka waara ee Soomaaliya iyo ku saleynta baahiyaha dadka barakcayaasha

Somalia waxaa sanado ka jira barakac baahsan oo ay sababeen coladaha soo laalaabtay iyo dhibaatooyinka la xiriira cimilada. Dowladda iyo haya’daha caalamiga ah ayaa in muddo ah la tacaalayay in la yareeyo ama xal waara loo helo dhibaatada barakaca. Haya’daha caalamiga ah ayaa sameeya dadaallo lagu naqshadeynayo barnaamijyo lagu doonayo in xal waara loogu helo barakaca. Haseyeeshee, waxaa jira caqabado ay wajahayaan haya’daha oo la xiriira in ay fahmaan ama helaan xog ku saabsan duruufaha dhabta ah ee jira. Waxana lagama marmaan ah in barnaamijyada la doonayo in xaal waara loogu helo dadka barakacayaasha ah lagu saleey...
Soo If-baxa Dhallinyarada Ciyaal Weerada ee Muqdisho: Sababaha iyo Xalka

Sanadka 2021, waxaa gobolka Benadir kasoo if-baxay kooxo dhallinyaro ah oo loogu magac daray Ciyaal Weero. Kooxahan ayaa si gaar ah uga howlgala degmooyinka ku yaalla daafaha magaalada Muqdisho. Ciyaal Weero waxa ay ku hubeysan yihiin hubka fudud, sida mindiyo, baangado, toorey, ulo iyo mararka qaarkood bastoolado iyo qoryaha darandooriga u dhaca. Soo if-baxa dhallinyaradan ayaa saameyn ku yeelatay shacabka Muqdisho, gaar ahaan amaanka oo ah adeegga ugu muhiimsan ee asaasiga ah ee ay dowladu siiso dadweynaha.
Podcast-gan waxa ay Aweys Axmed iyo Maxamed Aadan ku falanqeynayaan sababaha keenay soo if-baxa Ciyaal Weero, saameynta ay ku yeesheen dadweynaha g...
Adeegga Caafimaadka ee Gobolka Benaadir: Caqabadaha iyo Xalka

Kahor burbrukii dowlada Soomaaliya ee 1991-kii, adeegyada bulshadda guud ahaan, gaar ahaan adeegga caafimaadka, waxaa gacanta ku hayay dowladda dhexe. Kadib sanado laga shaqeynayay dib-u-yagleelidda hay’daha dowliga ah ee bixiya adeegga dadweynaha, waxaa suuragashay in adeegyada qaar ee dowladu bixin jirtay dib loo yagleelo.
Adeegga caafimaadka gobolka Bendair ee ay dowladu bixiso ayaa kamid ah kuwa dib loo howlgaliyay, iyadoo kuwa gaarka ah ee baahida bulshada dabooli jiray ay weli kaalintooda qaataan.
Podcast-gan waxa ay Aweys Axmed, Qaasim Jimcaale & Maxamed Aadam ku falanqeynayaan guud ahaan adeegga caafimaadka, xaaladda adeegga caafimaadka ee gobolka Banaadir, caqabadaha hory...
Kaalinta uu Turkiga ku Leeyahay Bixinta Adeegyada Bulshada Muqdisho
Dhawaan waxa ay Somali Public Agenda daabacday warbixin iftiimineysa kaalinta hay’adaha Turkiga ee bixinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyo kaabayaasha Muqdisho gaar ahaan jidadka laamiga ah iyo dhismayaasha.
Warbixinta waxaa wada qoray Farxaan Isaaq Yusuf oo ah agaasime ku xigeenka Somali Public Agenda, Mahad iyo Maxamed Sharif oo ah cilmibaare katirsan SPA.
Halkan ka dhageyso madal lagusoo bandhigay daraasadda laguna falanqeeyay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
<...
Dimuqraadiyeynta Puntland: Geeddi socodka, Caqabadaha iyo Xalalka
Halkan ka daawo madal aan ku qabannay Garowe oo aan kusoo bandhignay daraasad aan ka sameynay dimuqraadiyeynta Puntland: Geeddi socodka, Caqabadaha iyo Xalalka.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening!